DHAGEYSO:- Qarax Askar ay ku dhinteen oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye

0

Ugu yaraan 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ayaa ku geeriyootay kadib Qarax Miino oo Kolonyo ay Ciidamada  AMISOM la socdeen lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Cadow Dibille ee Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kolonyadaan oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku wajahnaa Deegaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose,

Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Gaadiidka Kolonyada Ciidamada AMISOM uu haleelay Qaraxaasi Miino ayna ku dhinteen illaa 4 Askari.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro Gaadmo ah kula beegsada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Gobolkaasi Shabeelaha Hoose , kuwaas oo mararka qaar Khasaarooyin ay kala kulmaan Ciidamadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-