DHAGEYSO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo isaga oo ilmeynaya ku dhawaaqay Hal Arrin

0

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa booqday Kaamamka ay ku nool yihiin dadka abaarta ka soo barakacay ee degaanada Puntland jooga.

Booqashada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha gudaha Puntland iyo Xubno ka socday Hay’adda UNICEF.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa warbixino ka dhageystay dadka Barakacayaasha ah iyo horjoogayaasha Kaamamkii uu booqday.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka heysta dadkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay dib u habeyn ku sameynayaan goobaha ay ku Saxaroodaan iyo kuwa ay ku qabeystaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in puntland ay diyaar u tahay caawinta dadka dhibaateysan ee abaartu ay saameysay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-