DHAGEYSO:- Howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda oo qorsheynayo in lagu soo biiriyo Diyaarado Dagaal

0

Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe (ATALANTA) ayaa shaaca ka qaaday in ay adeegsan doonan Diyaaradaha Drones-ka si ay ula socodaan dhaqdhaqaaqa kooxaha Burcad-baddeeda ee ku sugan Xeebaha Soomaliya.

Wargeyska ka faallooda Hawlaha Badda ee The Maritime Exeutive ayaa tibaaxay in Ciiddanka Badda Spain ee la socda Markab dagaal oo dalkaas laga leeyahay, qeybtana ka ah Hawlgalka ATALANTA ay bilaabeen inay adeegsadaan diyaaradaha Droneka si ay u ogaadan dhaq-dhaqaaqa kooxahaBurcadbadeeda iyo sahminta goobaha ay ku sugan yihiin.

Diyaaradahaan ayaa awood u leh in ay hawada ku jiraan muddo 18 saacadood ah si ay muuqaalo uga soo duubaan kooxaha burcad badeeda soomaalida ee ku sugan Badda iyo Beriga.

Tallaabadan ayaa ku soo aadayso, xili kooxaha Burcad-badeeda ah ay bishii hore afduubteen Markab siday Shidaal oo laga lahaa dalka Imaaradka, balse markii danbe lagu guulaystay in si nabad ah looga sii daayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-