DHAGEYSO:- Falaagada Al Shabaab oo Gaari ka soo afduubtay gudaha dalka Kenya

0

Falaagada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gaari ay ka soo afduubteen Xadka ay u dhaxeeye Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Sahal Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in falaagada Al Shabaab ay soo afduubteen Gaari ay saaran la socdeen Muwaadiniin Kenyaan.

Mr. Sahal ayaa u sheegay warbaahinta gudaha dalka in Ciidamada Dowladda ay kula Dagaalameen falaagada Al Shabaab oo ka yimid dhanka Degmada Ceelwaaq ee Dalka Kenya.

Isku soo wada duuboo falaagada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gaarigan ay la aadeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay iyagu gacanta ku hayaan.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO