Iyadoo Abaaro xoogan ay ka jiraan Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa Dowladda Canada waxa ay sheegtay in ay kordhineyso Taageeradeeda ku aadan dhaqaalaha wax looga qabanayo Abaaraha.
Wasiirka Socdaalka Dowladda Canada Axmed Xuseen oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Toronto ee Dalkaas ayaa sheegay in dowladdiisa wax ka qabashada Abaaraha ay u qoondeysay Lacag dhan 119 Million oo dollar.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in deeqdaasi ay ugu tala galeen in wax looga qabto Abaaraha ka jira Dalalka Nigeria, Sudan , Yemen iyo Soomaaliya, maadaama uu sheegay in Dalalkaas ay ka jirto Cunno yari baahsan.
Ugu dambeyn Wasiirka Socdaalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa aysan marnaba ka seexan doonin sidii ay kaalmo beni’aadanimo uga qeyb qaadan lahayd wax ka qabashada Arrimaha Abaaraha.