TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Ra'iisul wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Wado Shacabka ku Farxeen

0

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta xariga ka jaray wadada Digtoor ka dare oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dib u dhis.

Dhismaha Wadadan Laamiga Ah ayaa dhexmarta Degmooyinka Kaaraan Iyo Cabdicasiis Waana wado Muhim u Ah Isku Socodka bulshada Labada Degmo.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka shaqeeyay dhismaha wadadaan.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay dhistaan dhulkood , islamarkaana ay ilaalsanaan Sharaftooda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya Canshuurta ay ka qaado Bulshada Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka ay saameeyeen Abaaraha.

HALKAAN KA DHAGEYSO