DHAGEYSO:- Xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay

0

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Kulanka Baarlamaanka oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

Intii uu socday Kulanka ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay gacan ka hadal, kadib markii xildhibaanada Baarlamaanka uu soo kala dhexgalay is fahan waa, oo ay ku heshiin waayeen xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April.

Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay 21 xildhibaan in ay u codeeyeen Doorashada Madaxweynaha in ay dhacdo 20-ka April, halka 10 April ay u codeeyeen 30 xildhibaan, sidaasina ay ku codbadiyeen 30-ka xildhibaan.

Dhowaan ayay aheyd markiii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre uu Baarlamaanka Galmudug ka codsaday Doorashada in dib loo dhigo mudo 45 maalin ah, si loo yagleelo Maamul dhaxal gal ah, inkastoo codsigaasi ay ka soo horjeesteen Baarlamaanka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-