DHAGEYSO:- Ciidanka AMISOM oo Fal laga naxo ka geystay Gobolka Sh/Hoose

0

Ciidamada midowga Afrika ee Amisom ayaa diiday iney ka qeyb  galaan dagaaladda ka dhanka ah AlShabaab ee ka socda gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaaladda Baraawe.

ALShabaab ayaa weerar dhanka xeebaha ah ku qaaday magaaladda Baraawe, waxaase iska caabiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Amisom ee ku sugnaa Baraawe oo la filayay iney dagaalkaas ka qeyb qaataan ayaanan ka dhaqaaqin xarumahooda sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Sh/Hoose Cali Nuur.

Arinta layaabka leh ee ay Amisom sameysay ayaa ah in markii uu dagaalka dhamaaday oo AlShabaab laga saaray magaaladda ay madaafiic ku tuureen halkii uu dagaalka ka socday, ayna qasaaro ugeysteen dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay dagaalkii magaaladda Baraawe oo uu tilmaamay iney ku laayeen Al-Shabaab badan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-