DHAGEYSO:- Bambo Gacmeed lagu Weeraray Guri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

0

Bambada nuuca gacanta laga tuuro ayaa kooxo hubeesan waxa ay Xalay ku weerareen hoyga mid ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya

qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in bambo lagu tuuray guri ku yaala agagarka xarrunta dagmada Hodan uu dagan yahay mid ka mid ah xildhibaanada.

Ilaa hada lama Xaqiijin Magaca Xildhibaanka la Weeraray balse Waxaa la sheegay in guriga la weeraray uu dagan yahay Xildhibaan.

Masuulyiinta iyo saraakiisha dagmada Hodan waxaa inoo suuro gali weysay inaan qadka taleefanka ku haleelno in aan wax badan uga weydiino dhac-dadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-