Saxafi Lagu Dilay Dalka Mexico.

0

Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu shalay Saxafi ku toogtay Degmadda Yanga ee Gobalka Feracurus oo ay ku xooggan yihiin Kooxaha iibiya Daroogadda.

Saxafiga la dilay oo la oran jirey Ricardo Monlui ayaa la toogtay xilli ay isaga iyo xaaskiisa iyo wiil ay dhaleen ka soo baxeen Baar ku yaalla Degmadda Yanga oo u dhow magaalladda weyn ee Korodoba.

Dableyga ayaa la sheegay inuu 2-xabbad ku dhuftay Saxafiga, kana baxsaday goobta, sida ay sheegeen Boliska Deegaanka.

Xaaskiisa iyo wiilkiisa ayaa la sheegay inaysan wax dhaawac ah  ka soo gaarin Toogashadaasi.

Saxafiga la dilay ee Ricardo Monlui ayaa qeyb ka ah ugu yaraan 11 Saxafi oo 6-dii sanno ee la soo dhaafay lagu dilay Gobalka Feracurus.

Dalka Mexico waxa uu ka mid yahay dalalka ugu khatarta badan Caalamka ee lagu waxyeeleeyo Suxufiyiinta, waxaana tan iyo sannadkii 1992-kii lagu dilay 86 Saxafi, xilli ay hawshooda Suxufinimo ku guda-jireen.