DEG DEG+DHAGEYSO:- Ninkii ka dambeeyay Qarax dad badan ku dhinteen oo Gacanta lagu dhigay

0

Saraakiisha ciidamda ee ku jira xerada tababarka ciidamada Warashadii hore Nac-naca ee degmada Wadajir aya sheegay inay howgal ay ka sameeyeen degmadaasi ay ku soo qabteen mid ka mid ah ragii ka danbeeyey qarax dhawaan ka dhacay Wadajir gaar ahaan meel ku dhow xerada tababarka ciidmada Dhega-badan,kaasi oo uu ka hortagay askari katirsan  ciidamada dowladda kuna qarxay meel waxyar u jira Xeradaasi .

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada ee xeradaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah labadii ruux ee qaraxaasi fulisay, islamarkaana ciidamdu ay ku so qabteen baaritinaano ay ka samayeen Wadjir gaar ahaan xafada Tarabuushka ee degmadaasi.

Sarkaalkan ayaa tilamaamay inay daba socdeen ragaasi oo hore uga baxsaday ciidamada markii qarax gaari ay ka geesteen Wadjir Maalintii isniinat aynu soo dhaafnay.

HALKAAN KA DHAGEYSO