XOG WARAN:- Sidee looga hortagi karaa musuq lagu sameeyo laagaha deeqaha abaaraha?

0

Tan iyo markii abaaro daran laga soo sheegay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa waxaa isa tarayay gurmadka iyo balanqaadyada loo sameynayo dadka abaaraha ay saameeyeen.

Waxaa jira shaki badan oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan, taasi oo ku aadan cidda mar walba alagu aaminayo lacagaha la doonayo in wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Kalsoonida darada ay shacabka Soomaaliyeed isku qabaan ayaa korortay sanadihii ugu dambeeyay ee uu dalka ku jiray burburka iyo colaadaha sukeeye, taasi oo sababtay in shacabka Soomaaliyeed ay gaaraan heer ay dadkii isla dhashay is aamini waayaan.

Haddaba Sidee looga hortagi karaa musuq maasuq lagu sameeyo lacagaha abaaraha loogu yaboohayo ?

Waxaa jirta in diinteena Islaamka ay na fareyso amaanada laguugu dhiibaa ruux kale inay tahay inaad u gaarsiisaa sida ay aheyd, waxaana midda koowaad ee arintaan looga hortagi karaa ah tahay in la raaco awaamiirta diinta Islaamka.

Waxaa qodobka labaad uu yahay in la sameeyaa isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan qaabka loo bixinayo lacagaha kala duwan ee kasoo xarootay ummada Soomaaliyeed, iyadoo lasoo bandhigayo xitaa lacagaha ku baxa gaadiidka ay adeegsanayaan gudigan gurmadka abaaraha.

Waxay taasi dhalin doontaa is aaminaad tii ugu weyneyd oo ay isku qaadaan dadka looa deegayo iyo dadka adeegayaba.

Sida ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan magaalada Marko, waxaa xabsigan la dhigay masuuliyiin lagu tuhmay inay musuq maasuq ku sameeyeen kumanaan doolar oo loogu talo galay dadka ku dhibaateysan gobolka Shabeelaha Hoose.

Arintaasi ayaa waxay abuurtay dhiiranaan kale oo shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiran karaan inay lacagahooda ku amaaneysan karaan dadka masuuliyiinta u haya, haddii sidaasi loola xisaabtamayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa horyaala wax ka qabashada musuq maasuqa baahay eek a jira gobolada dalka Soomaaliya.