XOG WARAN:- Maxaad ka taqaan 6-da Caqabadood ee curyaaminaya ama ay ka bogsan la’dahay SOOMAALIYA?

0

LIXDA CAQABADOOD EE DALKA CUURYAAMINAYA

1- Madaxdii dhacday oo iska dhigeysa inay mushkiladda iyo xalka ogyihiin, kuwa cusub ee indha xiranna ka caawinayaan, runtuse waxa weeye nin afartiisii sano ku fashilmay in aanu doonayn in uu kugu garab istaago in aad afartaada sano guuleysatid, ee uu ka shaqeyn doono in aad fashilantid, isna afar sano keddib uu u soo rogaal celiyo.

2- Madaxda cusub oo aan lahayn khibrad ku filan oo ay ku ogaan karaan kagana adkaan karaan mushkiladaha jira, kol hadday sidaas tahayna ay khasab tahay inay laba mid yeelaan; inay madaxdii hore kaashadaan, jidkii ay mareenna maraan, sidaasna ku fashilmaan, ama inay maskaxdooda dhalaaliyaan halka ay doontaba ha la gaarto’e, markaasna iyaga oo barnaamijkoodii ku taagan fashilmaan ama guuleystaan.

3- Cadawga gudaha ee rubuc qarnigii sano ee la soo dhaafay dowlad la’aanta ku naaxay, oo aan marnaba raalli ka ahayn ummadda ay dhiiggeeda jaqayaan in laga joojiyo, kuwaas oo cid kasta oo ay kicin karaan iyo xaalad degganaan la’aan kasta oo ay abuuri karaan aan ka gambanayn, geed kastana u fuulaya.

4- Cadowyada deriska oo dantoodu degganaan la’aanta Soomaaliya ku jirto, dariiq kastana u maraya isku dirka madaxda iyo shacabka ama madaxda Qaranka iyo dowlad-goboleedyada iyo weliba taageeridda dallaalleyda diinta iyo dariiqooyinka isdiiddan ee dalka ka jira.

5- Dalalka fogfog ee isu suuraadinaya walaalo ama saaxiibbo, danahooda gaarka ahna dalkeenna ka leh, kuwaas oo isugu jira qaar iyagu dalkeenna dhexdiisa isku hardiyaya oo garoon loollan iyaga ka dhexeeya ka dhigaya iyo qaar doonaya dhurashada kheyraadka dhulkeenna, dowlad awood leh oo iska dhicisaa inay dhalatana aan doonayn.

6- Ururrada dowliga ah ee dhibaatada shacabkeenna ka ganacsada, malaayiin doollarna madaxeenna ku hela, oo haddii dalku hagaago ummadduna heshiiso, cudur iyo gaajana dabar go’aan danohoodii waayaya oo daaqadihii tuugsigu ka daboolmayaan, sidaas darteedna aan marnaba oggolayn in dabku damo dalkuna nabad noqdo.

Sabriye Musse