XOG RASMI:- Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre oo guul weyn ka gaaray Magacaabista Golahiisa Wasiirada Ka dib Markii uu soo..

0

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay soo gabagabeeyay la tashiyadii uu la yeelanayay xildhibaanada  beelaha Soomaaliyeed.

Kulamo kala gaara oo dhex marayay Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaanada beelaha ee labada aqal ayaa qaatay muddo ka badan toddobaad, waxaana looga hadlay qaabka awood qeybsiga xukuumadda iyo magacaabidda xubnaha golaha Wasiirada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xildhibaanada beel kasta ka codsanayay inay la yimaadaan musharixiin dhowr ah oo uu beel kasta ka xusho ama ay isaga u madax banneeyaan xulashada, kuna taageeraan ciddii uu soo magacaabo, arrintaas oo ahayd qodobka ugu adag ee uu kala hadlay xildhibaanada loo qaabilay qaabka beeleed.

Inta badan beelaha u loolamaya xilalka wasiirada ayaa Ra’iisal wasaaraha siiyay xoriyad uu ciddii uu doono ku magacaabi karo, laakiin waxay dalbadeen wasaaro muhiim ah iyo awood qeybsi ku dhisan rabitaankooda.

Arrintan ayaana ah Guul weyn oo uu Ra’iisal Wasaare Kheyre ka gaaray Magacaabista Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaaban 15 maalmood isla markaana muddo toddobaad ah heysta kalsoonida Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuusan ku degdegin ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub.