WAR DEG DEG:- Ciidankii Puntland ee Gadoodsanaa oo Go'aankooda bedelay

0

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland oo habeen ka hor la wareegay Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa xalay saqdii dhexe dib u fasaxay Gawaarida halkaasi mudada dheer ku xayirnaa.

Waxgaradka ku sugan Magaalada Garowe dadaal dheer oo ay sameeyeen ayay ku guuleysteen in ay fasaxaan Gawaarida Ciidanka halkaasi ay ku xayireen, kuwaasi oo ka kala yimid Magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Beledweyne.

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa weli waxa ay ku sugan yihiin Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe, waxaana weli ay dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda mushaarka ah oo aysan in mudo ah qaadan.

Baabuurtan ku xanibanaa Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa ahaa Gaadiid badan, kuwaasi oo si maalinle ah u geli jiray Magaalada sidoo kalena uga bixi jiray.

Maamulka Puntland illaa hadda kama uusan hadlin Ciidamadan Daraawiishta ka tirsan ee la wareegay gacan ku haynta Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe.