TOP DHAGEYSO:- Xasan Cali Khayre oo Muujiyay sida uu u yahay Ra'iisul wasaaraha Umadda Soomaliyeed u baahneyd

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay Abaaraha ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, kaas oo ku aadanaa in ay ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha ee dalka ka socda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in looga baahan yahay in ay ka dhiidhiyaan Abaaraha dalka ka jira, maadaama sida hada looga qeyb qaato gurmadka Abaaraha ay Taariikhda ku geli doonto.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay gurmadka in uusan yaraan galin, qof walbana looga baahan yahay in uu bixiyo wixii tabartiisa ah oo uu awoodo, si walaalihiisa loogu gar gaaro.

Sidoo kale Xasan Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku tashi sameeyaan, isagoo sidoo kale ku baaqay muhiim in ay tahay in la dar dar geliyo gurmadka, maadaama ay dhimanayaan dad fara badan.

Ugu dambeyntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu fududeynayo wax kasta oo ku xiran dhanka dowladda si loo helo gargaar gudaha iyo dibedda, isaga oo ugu baaqay dadka ku nool qurbaha inay kaalinta ugu weyn ka qaataan taakuleynta dadkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO