TOP DHAGEYSO:- Gudoomiyaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo oo sheegay Xaaladii ugu Darneyd ay ku dhex jiraan

0

Gudoomiyaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo Ibraahim Aadan Guuleed ayaa sheegay in dhibaatoyin badan oo la xariira dhinaca Nolosha ay ka taaganyiin degmadaas iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Gedo, waxaana uu tilmaamay inay ku filnaanweyday abaarta jirta darteed lacago Todobo kun oo Doller oo ay ka heleen maamulka Jubbaland, looguna tala galay wax ka qabashada abaaraha ka taagan deegaanada Jubbaland.

Gudoomiyaha ceel-waaq waxaa uu sheegay in xaaladu ay adagtahay,islamarkaana dadku ay ubaahanyihiin gar gaar intaasi ka badan, si loo badbaadiyo Nolosha dad badan oo halis ugu jira inay Gaajo iyo Haraad ugu dhintaan gobolka Gedo.

Waxaa uu madaxda dowladda, maamulka Jubbaland iyo Cidkastaa oo wax qaban karta ugu baqay inay usoo gurmadaan dadkaasi,si ay uhelaan kaalmo iyo waxa ay ubaahanyihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO