TOP DHAGEYSO:- Gaadiid Dowlada oo laga Cabanayo iyo Taliska Ilaalada wadooyinka Magaalada Muqdisho oo war cusub soo saaray

0

Taliska Ilaalada wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dhibaato xoogan ay ku qabaan Gaadiidka Dowladda Federaalka, oo isticmaala wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya Cali Maxamed Cali ayaa sheegay Gaadiidka qaar oo ay wataan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka in ay carqalad ku yihiin amniga caasimadda, maadaama ay sameeyaan amar diido.

Waxa uu sheegay wadooyinka qaar ee aan loogu tala galin in ay maraan Baabuurta, ay xoog iyo si ku takri fal ah ku maraan Gaadiidka ay wataan Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo adeegsada awood.

Sidoo kale waxa uu sheegay waxa wax qabadka raba ee in talaabo laga qaado raba in ay yihiin Mas’uuliyiinta Dowladda, Wasaaradaha, Ciidamada Gawaaridooda, maadaama aysan dhowrin shuruucda wado marista.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya Cali Maxamed Cali ayaa Taliska sare ee Booliska ka codsaday in ay wax ka qabtaan arrintan, loona baahan yahay cidii xad gudub sameysa in talaabo laga qaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO