TOP DHAGEYSO:- Ahlu-Sunna“Waxaan Dalbaneynaa in Xubin Muhiim ah nagala siiyo Xukuumada Cusub”

0

Sheikh Isxaaq Xuseen Mursal gudoomiyaha Ahlusunada gobolada Konfureed ayaa ka hadlay dhismaha xukuumada cusub ee la filayo dhawaan inuu magcaabo ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre.

Sheikh Isxaaq ayaa codsaday in xubno muhiIm ah laga siiyo Golaha wasiirada ee lagu dhawaaqi doono maalmaha soosocda ,si ay uga soo muqdaan wasiirada imaan doono.

Gudoomiyaha Ahlu-sunada koonfureed ayaa soo jeediyey in laga qeyb galiyo golaha xukuumada oo uu sheegay inay wax badan qaban karaan Culima’udiinka Ahlusunna Wal-jamaaca, loona baahan yahay in fursad loo siiyo kamid ahaanshaha wasiirada cusub.

HALKAAN KA DHAGEYSO