Poland oo ku guul darraysatay in ay is hortaagto in Tusk mar labaad loo doorto madaxa EU

0

Mar labaadka loo doortay Donald Tusk in uu noqdo madaxweynaha golaha Midowga Yurub, ayaa soo if bixiyey khilaafka ka oogan gudaha midowga.

Diimada ay Poland oo uu Tusk u dhashay ay ku diiday musharaxnimadiisii ayaa waxa aqlabiyad ku jiidhay dalalka kale ee xubnaha ka ah midowga, kuwaas oo iska dhego tiray codsiga Warsaw ee ahaa in cod bixinta dib loo dhigo.

Ra’isal wasaaraha Poland, Beata Szydlo, oo aad u cadhaysan ayaa sheegtay in aan dalkeedu aqbali doonin qaraarada kama danbaysta ah ee shir madaxeedka ka soo bixi doona.

Poland waxay sheegtay in Tusk ay saarantahay masuuliyad ah inuu ilaaliyo danaha qaramada xubnaha ka ah midowga ee ay isha ka laliyaan waxa ay ku tilmaantay xarunta Brussels ee Jarmalku “muquuniyey” balse uu waxba ka qaban waayey arrimahaas. Sidoo kale cadhadan Poland waxay ku aadanayd dalalka tartanka siyaasadeed ka dhaxeeyo.