Madaxda Sare ee BBC-da oo gaaray Magaalada Hargeysa

0

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegaya in Madax ka tirsan Idaacada BBC-da ay u tageen sidii loo xalin lahaa cabasho ka timid maamulka oo ku aadan in aanay Idaacada dhex dhexaad ka aheyn wararka ay baahiso, isla markaana sidii maamul oo kale ay ula dhaqmaan.

Tagitaanka Mas’uuliyiinta BBC-da ee Hargeysa ayaa ka dambeysay, markii Maamulka Somaliland uu ku hanjabay inuu BBC-da ka mamnuuci doono deegaanada Somaliland, hadii aysan wax ka qaban cabashadooda.

Saddex Mas’uul oo ka tirsan BBC-da ee gaaray Hargeysa ayaa waxaa hoggaaminaya Haweeneyda madaxda ka ah Laanta Af Soomaaliga iyo Sawaaxiliga Caroline Karubi.

Mas’uuliyiintan ayaa doonaya inay ka qanciyaan Maamulka Somaliland tabashada ay qabaan, waxaana Laamaha BBC-da ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga dhageysto deegaanada Somaliland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda BBC-da ee gaartay Hargeysa iyo Wasiirka Warfaafinta ay kulan ku leeyihiin Xafiiska Wasiirka, waxaana la sheegayaa in Mas’uuliyiinta BBC-da ay raalli gelin ka bixiyeen waxyaabaha ay ka tabanayaan shaqaalaha BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa dhowaan ku eedeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimha Somaliland, isla markaana doodaha ay qabato ka qeyb geliyaan dad ka soo horjeeda Somaliland.

Maamulka Somaliland oo sanadii 1991 ku dhawaaqday inay gooni uga go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa wali helin aqoonsi caalami ah, waxaana ay ku andacoonayaan in Idaacadaha caalamiga ah aanay tixgelin rabitaankooda iyo inay maamul ugu yeeraan marka ay wararka ka baahinayaan.