Koonfur Kuuriya: Maxkamadda Dastuuriga ah oo go'aan ka gaadhaysa xilka xayuubintii lagu soo oogay madaxweynaha

0

Maxkamadda sare ee Koonfur Kuuriya ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonta in madaxweyne Park Geun-hye si kama dambays ah xilka looga qaado iyo in kale.

Madaxweynaha waxa dacwad xil ka xayuubin ah ku soo oogay baarlamanka bishii Diisember oo waxa lagu soo oogay eedo ay ka mid yihiin laaluush iyo ku takri fal awoodeed.

Malaayiin qof oo u dhashay dalka Koonfur Kuuriya ayaa la filayaa in ay Telefishanka ka daawan doonaan marka ay maxkamadda dastuuriga ahi ridayso xukunka.

Garsooreyaasha maxkamaddu waa siddeed, hadii ay lix ka mid ahi isku raacaan in xilka laga qaadona waxa sidaa ku meel maraya dalabkii baarlamanka ee ahaa xilka laga tuuro.

Waxa intaa ka dibna ay waayi doonta dhawrsanaantii sharci ee madaxweyne ahaan ay lahayd, waxaana lagu soo oogi kari doonaa dacwado fal dambiyeed. Dalkuna wuxu muddo lixdan cisho gudahood ah ku qaban doonaa doorasho madaxtinimo.