DHAGEYSO WAREYSI:- 257-qof oo Geeriyootay iyo Dowlada Soomaaliya oo Baaritaan culus sameysay

0

Tirakoob ay sameysay wasaarada Caafimaadka ee xukuumuda ayaa lagu soo bandhigay tirada dadka u dhintay cudurka shubnaka oo ka dilaacay deegaano kamid ah dalka,kaasi oo dhibaato ku hayo dad badan oo uu soo ritay cudurka shuban Biyoodka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi oo la hadlay Laanta Af-ka soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in tirakoobkaasi laga sameeyey 13- gobol ilaa 45-tan degmo oo uu cudurkaasi ka dilaacay,waxaana uu sheegay inay udhinteen labadii bilood ee la soo dhaafay 257-ruux oo siyaaboyin kala duwan ugu geeriyooday deegaano kamid ah dalka.

Cudurka shubanka aya ka dilaacay qeybo kamid ah dalka,waxaana uu dhibaato ku hayaa dad badan oo markii hore saameen ay ku yeelatay abaarta,waxaana la soo wariyey dhimasho u sababay cudurkaasi ,iyadooo hada ay la jiifaan xarumaha caafimaad dad badan oo laliita Cudurka Shubanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO