DHAGEYSO:- Somaliland “Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda hormarkeena, Hagar daamo ayay bilaabeysaa”..

0

Maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka soo horjeedo hormarka uu gaarayo Maamulka Somaliland, taasi oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Maamulka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Somaliland uu yahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Waxa uu sheegay Somaliland in ay u madax banaan tahay in ay heshiisyo caalami ah la gasho Dowladaha kale, oo aysan kala tashaneyn Dowladda Federaalka oo mararka qaar fara gelin ku sameysa, sida uu sheegay.

C/laahi Daahir Cabdi (Diini) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay ku sax saneyd heshiiskii ay saxiisday, kaas oo ku aadanaa in Imaaraadka Carabta uu saldhig Milateri ka furto Magaalo xeebeedka Berbera.

Hoos ka Dhageyso Codk:-