DHAGEYSO:- Feysal Cali Waraabe “Xasan Sheekh Labo Qodob ayuu ka baxay, Farmaajo asna waan ugu digeynaa inuu ka digtoonaado”

0

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay Dowladdii hore Soomaaliya in ay ka baxday heshiisyo ay la gashay Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiin ka socotay Labada dhinac.

Waxa uu sheegay Dowladdii hore ee Soomaaliya in ay sameeyeen qalad, maadaama Soomaaliland ay uga baxeen Labo heshiis oo ay la galeen, taasina ay aheyd, mid aanan wanaagsaneyn.

Sidoo kale Guddoomiye Feysal ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu ka baxay Labo Qodob oo uu la gaaray Soomaaliland, isagoo sheegay intaasi ay aheyd mid masuuliyad daro ah.

Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sidoo kale sheegay Dowladda cusub in ay ka rajeynayaan in ay saxdo qaladaadkii hore, si horey loogu sii socdo, loona amba qaado heshiiyadii hore.

Hoos ka Dhageyso Codka:-