DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dalka oo ka walwalsan Sirtii laga Jabsaday xafiiska hanti-dhowraha guud qaranka

0

Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn uga wal walsan in faylashii laga jabsaday xafiiska hanti-dhowraha guud ee qaranka ay ugacan gashay dowlado cadow ku ah Soomaaliya.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aynu helnay  ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiyaha hanti-dhowraha qaranka ay yeesheen kulan xasaasi ah oo arintaas looga hadlay.

Cabsida ugu weyn ee haysata madaxweyne Farmaajo ayaa ah in sirta dowlada ee la dhacay loo gacan geliyay cadowga dowlada Soomaaliya.

Sida aynu helnay madaxtooyada ayaa ka walwalsan in jaajuusiin Itoobiyaan ah ay ka dambeeyeen dhacan loo geystay xafiiska hanti-dhowraha guud.

“Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa ay ka wal walsan yihiin in sirta dowlada ay ugacan gashay kuwa dano shisheeye u adeegaya, wal walkana si weyn ayaa looga dareemayaa xafiisyada dowlada”sidaas waxaa yiri sargaal katirsan madaxtooyada oo magaciisa qariyay

Madaxweynaha ayaa ku amray hay’ada dambi baarista in la baaro kaamirooyinka qarsoon si deg deg ahna loo soo ogaado cidii ka dambeysay dhacaas.

Jawiga Villa Soomaaliya ayaa aad ukacsan, waxaana jira in jahwareerka ugu weyn uu yahay sidii looga hortagi lahaa in sirta dowlada ay gacanta ugasho cadowga.