XOG+FADEEXAD:- Xafiiska Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka oo ku Dhex Yaalla Villa Somalia oo Dukumentiyo Muhiim ah lagala baxay

0

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio xaqiijiyey in xalay la jabsaday Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ku dhex yaalla Dhismaha ay ku shaqeyso Wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Villa Somalia.

Wararku waxay sheegayaan in Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka lag bxay 25 Faylal Muhiim ah iyo Laptop-kiisa.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo Taliska AMISOM oo adeegsanaya Eeyda u tababara Raad-raaca iyo Urinta Waxyaabaha Qarxa ayaa la sheegaay inay saakayto bilaabeen Baaritaanka sidii lagu ogaan lahaa kooxihii  dhc u geystay Xafiiska Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Warar Hordhac ah ayaa sheegayo in lala baxay Dukumentiyo Muhiim ah oo ku aadan Baaritaanadii ugu dambeeyey ee uu Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka gacanta ku hayey.

Saraakiisha Ammaanka ayaa rumeysan in ay dhici karto inay Shaqsiyaad ku sugan Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia  ka dambeeyaan Falkaasi Xatooyadda ah.

Ma cadda ujeedada loo jabsaday Xafiiskaasi, loona qaatay ilaa 25 Faylal Dukumentiyo ku jireen iyo Laptop-ka oo la sheegay inay Macluumaad badan ku kaydsanaayeen.

Warar ayaa sheegayo inay Saraakiisha su’alo weydiinayaan qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Hawl-wadeennadda ka hawlgala Dhismaha Wasaaaradda Maaliyadda, kuwaasi oo tuhunka ugu weyn ku fooraro.

Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia oo ay joogaan Boqolaal  Ciiddamadda DFS  iyo kuwa AMISOM ayaan la ogeyn sababaha ay Kooxaha dhaca geystay u arki waayeen ama u qaban waayeen, illayn waxaa adag in dhac qorsheysan loo geysto Xafiis Muhiim ah oo ku dhex yaalla Villa Somalia.