XAQIIQOOYIN QARSOON:- 200-Musharax oo Wasiiro Doonaya iyo Nooc cusub oo loo xuli doono

0

Xaallado Naadir ku ah Nidaamka Xulashadda iyo Dhismaha Golaha Wasiiradda ayaa waxaa maalmahan laga dareemayaa Xayndaabka Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre.

Waxaa la magacaabay Mas’uul Qarsoon oo loo xil-saaray Ururinta Dukumentiyadda Tariikhda Shaqo (CV) ee Xubnaha damaca siyaasadeed kaga jiro inay ka mid noqdaan Golaha Wasiiradda ee lagu dhawaaqi doono.

Ilo ku dhowdhow Xafiisyadda Madaxda ku sugan Villa Somalia ayaa xaqiijiyey in Nidaam cusub loo qabanayo Faylasha Murashixiinta Wasiir-doonka ah, iyadoo Qabiil kasta loo sameeyey Khaanad, iyadoo Codsiyadda Murashax kasta lagu ridayo Khaanadda U Gaarka ah Qabiilkiisa.

Xikmadda arrintaasi ka dambeyso ayaa lagu sheegay in lagu kala ogaado hadba tirada Murashixiinta Qabaa’illadda iyo Khibradah Shaqo ee ay u leeyihiin Maamulka Dowladnimo.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ayaa si kulul u naqdiyey Qaabka lagu kala xulanayo Murashixiinta Xil-doonka ee u xusul-duubaya inay ka mid noqdaan Xukuumadda Cusub.

“Nidaamkan khaanadaha loogu samaynayo dadka Xil-doonka, waxay tahay Aragti Casri Jaahiliga loo isticmaali jirey si look ala hor Xoolaha Reer Guuraa’ga ee isku Deegaanka ah ama ku kulma dhulka loo soo naq iyo biyo doonto” ayuu yiri Siyaasi saluug ba’an ka muujiyey Nidaamka lagu qabanayo Codsiyadda Murashixiinta Wasiir-doonka wada ah.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan Guddi noocee ah ayaa u diyaarsan Kala-xulashadda Araajidda Wasiirnimadda?, Sideese  loo kala xuli doono ku-dhawaadka 300 Codsiyadda Wasiir-doonayaasha?, Ma la isku dheelitiri doonaan Tiradaasi iyo Tirada kooban ee Golaha Wasiiradda Cusub? Ma filan kartaa in Golaha Wasiiradda ka mid noqdaan Qurbo-joogta, haysata Labada Dhalasho (Dual Citizen).

Si kastaba ha ahaatee, Laga soo bilaabo Madaxweynaha, Guddoomiyaha BFS, Ra’isul-wasaaraha iyo inta badan Xildhibaanadda Labada Gole ee BFS waxay ka wada siman yihiin Labada Dhalasho, waxaana khatar ku jirta in Siyaasadeenna lagu dhex milo Siyaasadaha Waddamadda ay Madaxdeennu Baasabooradda ka haystaan.