WAR DEG DEG:- Xiisada oo Kacsan iyo Ciidamo Puntland oo Goordhow la wareegay Xarunta Dawlada Hoose Magaalada Gaalkacyo.

0

Ciidan Katirsan Kuwa Amaanka Puntland ayaa lasoo sheegayaa inay goordhaweyd la wareegeen Xarunta Dawlada Hoose Ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxa la sheegay inay ciidankaasi ka gadoodsan yihin Mushaar aysan muddo qaadanin.

Ciidanka oo ah kuwo aad uhubeysan ayaa diiday wax dhaq dhaqaaq ah in laga sameeyo Xarunta taasi oo cabsi gelisey Shaqaalihii halkaasi kusugnaa.

Wararka waxay sheegayaan in durba Wuqooyiga Gaalkacyo laga dareemay Arintaan oo dadkuna ay hadal hayaan.

Ciidan katirsan Daraawiishta Puntland ayaa sidaan oo kale waxay ula wareegeen Xalay Magaalada Garowe Koontaroolkiisa iyaguna waxay ka cabanayeen Mushaar la’aan seddex sano kudhawad.