TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe oo soo jeediyay Talo ku aadan Wasiirada cusub

0

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dalka Xasan Cali Khayre in uu so dhiso Gole Wasiiro oo ka turjumaya shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Xasan Cali Khayre in uu la yimaado waxqabad wanaagsan oo ka duwan xukuumadihii horey dalka u soo maray.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa sheegay iyada oo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed muhiim in ay tahay Qofka in lagu soo xulo aqoontiisa iyo kartida uu u leeyahay hoggaaminta.

Waxaa si aad ah loo hadal hayaa Ra’iisul Wasaare Khayre in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh, islamarkaana intooda badan ka yimaada bulshada Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO