TOP DHAGEYSO:- Ciidamada Gadooday ee Puntland oo Afka furtay kuna dhawaaqay Go'aan culus

0

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka Maamulka Puntland ee xalay la wareegay Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay sababta ka dambeysay in Ciidanka ay la wareegaan Kontorool ay ku sugan yihiin Ciidan kale oo laga xaqiijinayay ammaanka Magaalada Garowe.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Korneyl Deyr Xaaji Cabdi ayaa sababta Ciidankaaasi ay ula wareegeen Kontoroolka waxa uu ku sheegay in ay tahay in Wasaaradda Maamulka Puntland ay ka been sheegtay Mushaarka Ciidanka oo muddo bilooyin ah ka maqnaa, islamarkaana Wasaaradda ay warbaahinta ka sheegtay in aysan jirin wax mushaar ah oo ka maqan Ciidanka Daraawiishta.

Sidoo kale Korneyl Deyr Xaaji Cabdi Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa sheegay Saddexdii sano ee la soo dhaafay min Afar bilood in ay ka qaateen Mushaarka Ciidanka inta kalena ilaa iyo hada ay maqan yihiin.

Waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Korneyl Deyr Xaaji Cabdi arrintan in wax laga weydiinayo laguna xisaabtamo Wasaardda Maaliyadda Maamulka Puntland.

Ciidankan la wareegay Kontoroolka dhanka Kooonfureed ee Magaalada Garowe ayaa ilaa iyo hada ku sugan goobtii ay la wareegeen, waxaana jira qal qal xaga ammaanka ah, maadaama laqa cabsi qabo in halkaasi ay ka dhacdo Arbushaad.

HALKAAN KA DHAGEYSO