Shirkadda Albayrak ee maamusha Dekadda Magaalada Muqdisho oo ka Farxisay Shacabka

0

Shirkadda Albayrak oo maamusha Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay lacago ugu deeqday Abaaraha ka jira Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka iyo duunyada u dhimanaya Abaarta daran awgeed.

Albayrak ayaa barta ay Twitter-ka ku leedahay waxa ay ku soo qortay in Abaaraha Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan Konton Kun oo Dollar, taasi oo si siman loo gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay Abaartu ku saameysay Gobolada dalka.

Waxa ay sheegtay Albayrak muhiim in ay tahay gar gaar deg deg ah in la helo si loo badbaadiyo dadka dhimanaya, sidoo kalena looga hortago Abaarta in ay gaarto meelo cusub oo aysan hada gaarsiisaneyn.

Hay’addaha Qarmada Midoobay ayaa horey uga digay Abaarta in ay isku bedesho ama ay gaarto macluushii 2011-kii, xilligaasi oo ay Abaartu gaartay heerkii ugu sareysay, Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Hoose ayaa wada dadaalo wax loogu qabanayo dadkan.

Magaalada Muqdisho maalinba maalinka ka dambeysa waxaa soo gaaraya dad hor leh, kuwaasi oo ka soo cararay Abaarta, si ay u badbaadiyaan nafsadooda, waxaana dad qaar ay kuu sheegayaan in Eheladooda qaar ka mid ah ay ku waayeen intii ay ku soo jireen safarka ay ku imaanayeen Muqdiho, Haraad iyo Gaajo darteed.