DAAWO SAWIRADA:- Ciidamo Boolis ah oo ku Soo tababartay Dalka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Leyli saraakiil oo tababar 5 bilood ah ku soo qaatay dalka Jabuuti kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhegacaleen) iyo Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa maanta garoonka Diyaaradaha caalamiga Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ku soo dhoweeyey tiro ciidan leyli Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Booliska oo tababbar shan bilood ku soo qaatay Dalka Jabuuti.

Ciidankan ka mid noqonaya Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka mid noqonaya kuwa sugaya amniga dalka kuna biiraya Booliska Soomaaliyeed.

Ciidankan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Adan cadde oo ay ka soo degeen kula dardaarmay Sarreeye Guuto Axmed Dayib Axmed;waxaana uu kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan sugidda amniga dalkooda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-