DHAGEYSO:- Maamulka Koofur Galbeed oo shaaciyay in ay sii kordheyso Tirada dadka u dhimanayo Cudurka Shuban biyoodka

0

Ku Simaha Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koofur galbeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu dhibaato ku hayo dadka Koofur galbeed ku nool.

Waxa uu sheegay in ay sii kordheyso tirade dadka uu soo ridanayo Cudurka Shuban biyoodka iyo dadka u dhimanayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in isbitaalada ay jiifaan dad badan kuwaasi oo la ildaran Cudurka Shuban biyoodka ee soo ritay iyo kuwa u dhimanaya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-