DHAGEYSO:- Dowladda Itoobiya oo xoojinaysa dagaalka Al-Shabaab

0

Ra’iisulwasaaraha dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dowladaha Uganda iyo sidoo kale Itoobiya ay iska kaashan doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in la ciribtiro Al-Shabaab madaam uu sheegay in ay dhibaato badan ay ku hayaan Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tilaabo walbe oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay iska kaashan doonaan labada dowladood.

Dowladdaha Uganda iyo sidoo kale Itoobiya ayaa ka mid ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Waxaana ay dhowr jeer ay sheegeen in ay labo jibaari doonaan dagaallka lagula jiro Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-