DAAWO:- Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, Kana hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Oo mudooyinkii Dambe kusugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Maanta Dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo Ee Xaruunta Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe Ayaa Waxa uu ku Dhawaaqay Maanta Markii  uu Dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo Howlgal Kadhan Al-shabaab isagoona Sheegay In Maamulkiisa uu Qaadi Doono Dagaal ka dhan ah Al-shabaab Oo uu Maamulkiisa Kaga Saaraayo Deegaanada ay heystaan Al-shabaab.

Axmed Madoobe Ayaa Dhawaan Ka qeyb galay Shir Looga Hadlaayey Arimaha Abaaraha Soomaaliya Isagoona Shirka Ka sheegay In aan Gargaar la gaarsiin karin Dadka Shacabka ah inta ay Heystaan Xarakada Al-shabaab Goobaha uu ka arimiyo Maamulkiisa iyo Dhamaanba Goobaha ay Joogaan Al-shabaab oo uu sheegay in Go’doon ay kujiraan Dadka Kunool Goobaha ay ka Heystaan  Al-shabaab.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-