Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku eedeeyay dowladaha deriska inay hub siiyaan maamulada dalka

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladaha deriska ah inay hub siiyaan Hub, isagoo arrintan ku tilmaamay mid sharci darro.

Isagoo ka hadlayay deegaanka Ceel Macaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayuu sheegay in dowladda Dhexe aysan ka warbixin hubka la siiyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in isaga uu indhihiisa ku arkay hub fara badan oo la siinayo maamul goboleedyada, waxaana uu xusay in arrintan ay abuuri karto ammaan daro iyo qal qal siyaasadeed.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu arrintan si deg deg ah wax ugu qabto, waxaana uu xusay inay tahay arrin halis ku ah jiritaanka dowladnimada.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo hadal qaadin maamul goboleedyada sida gaarka ah loo siiyay hubka iyo dalka uu ka yimid, hase ahaatee waxaa loo arkayay inuu aad uga careysnaa in maamulkiisa aan lala simin maamul goboleedyada kale.

Dowladaha deriska ah ayaa si dhow ula macaamila maamul goboleedyada dalka ka jira, iyadoo dhowaan ay aheyd markii diyaarado hub sida ay ka dageen magaalada Kismaayo, kuwaasoo ka yimid dalka Itoobiya.