Guddi loo saaray Muddo kordhinta Xukuumadda Somaliland

0

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeysa golaha Guurtida maamulka Somaliland ayaa waxaa ay ku magacaabeen Guddi loogu tala galay in ay shaqeyaan muddo kordhinta xukuumadda Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa Shir Gudoominaayay Gudoomiyaha golaha Guurtida maamulka Somaliland Saleymaan Maxamuud Aadan.

Golaha ayaa lagu balansanaa in ay Muddo kordhin ay u sameeyaan Xukuumadda ,laakiin taasi ma dhicin oo waxa ay magacaabeen Guddi ka shaqeyn doonaa Arimahaasi.

Guddiga loo saaray Arintaasi waxaa ay ka kooban yihiin 21 xubnood, waxaana gudoomiye u ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Saciid Jaamac.

Shacabka kunool Magaalada Hargeysa ayaa ku jahwareersan Waqtiga ay dhaceyso doorashada maamulka Somaliland ,madaam ay dhowr jeer Xukuumadda Waqtiga loo kordhiyay.