DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulankooda labaad iyo Arrimo Xasaasi ah oo ay ka doodayaan

0

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta kulankooda labaad ee kalfadhiga 1aad ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlaya qodobo dhowr ah oo ku aadan waxyaabaha hor-yaala Baarlamaanka afarta sano ee soo socoto.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisa yahay dejinta qorshayaasha hor-yaala Baarlamaanka iyo wax ka bedelka xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale waxaa ay ka hadlayaan sidii loo soo hormarin lahaa waxyaabaha muhiimka ah ee Baarlamaanka hor-yaala, waxaana jira dhowr hindise sharciyeed oo Baarlamaankii 9aad aan la meel marin.

Inkastoo dalka uu ka dhacay is bedel siyaasadeed, isla markaana Baarlamaanka ay ku soo biireen dhalinyaro, ayaa waxyaabaha la doonayo in laga bedelo ay tahay xeer hoosaadkii uu ku shaqeynayay Baarlamaankii 9aad.

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa maalintii arbacadii la soo dhaafay waxaa si rasmi ah u daah furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo lagu meel mariyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka Dhageyso Codka:-