DHAGEYSO:- Suuqyada Qudaarta Muqdisho oo laga dareemayo Sara’ukac ay Sababtay Abaarta

0

Suuqyada qudaarta ee maagalada muqdisho aya laga dareemayaa sara’ukac ku yimid qiimaha nuucyada qudaarta, iyada oo la’ibinayo qiimo aad usareeya.

Maalmihii aanu soo dhaafnay ayaa isbadal laga dareemayey qudaarta oo muqdisho uga timaada gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe,waxaana waayadaan danbe qudaartu ay aheyd mid gabaabsi ah ama yar, iyada oo loo sababeynayo abaarta ka jirta dalka.

Guleed Xuseen waa ganacsade iibiya Qudaarta waxaa uu sheegay in isbadal xoogleh uu ku yimid qudaarta, islamarkaana la’iibinayo qiima ka duwan kii hore, waxaana uu tilmaamay in ay sababtay abaarta ka jirta dalka oo uu xusay in wabigii Shabeele uu guray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-