DHAGEYSO: Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre oo ka warbixiyay Kulan uu la qaatay Guddiga Gurmadka deg deg ee Abaaraha

0

Ra’iisulwasaaraha Xuukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Faahfaahiyay kulan uu Maanta Xarunta Madaxtooyada uu kula qaatay Mas’uuliyiinta Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabo kaste oo ay Suurta gal tahay in wax looga qabto Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in 48kii saac ee lasoo dhaafay ku dhawaad 110qof ay u dhinteen Abaaraha ka jira Soomaaliya gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ku dadaali doonto sidii  Gurmad iyo gargaarka deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkaasi.

Waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan in ay qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Abaaraha.