TOP DHAGEYSO:- Farmaajo Muxuu ka yiri khilaafka soo kala dhexgala M/weynaha iyo R/wasaaraha ?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in Afarta sano ee soo socota uusan jiri doonin wax khilaaf ah oo soo kala dhexgala Madaxda Dowladda.

Waxa uu sheegay khilaaf in ay ka madax banaan tahay Dowladdiisa mudada soo socota ee uu maamulayo, isagoo sheegay in aysan dhici doonin isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay is khilaafaan.

Sidoo kale Farmaajo ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in ay la yimaadaan howlkarnimo, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan ka muujinayaan Dowladdiisa.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay ku kalsoon yihiin Dowladdan, loona baahan yahay in loo muujiyo Taageero.

Dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray ayaa waxaa lagu arkay khilaaf joogto ah oo soo kala dhexgala Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale xukuumada iyo Baarlamaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO