Dilal ka dhacay Dalka Koofur Afrika iyo Warar aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo

0

Sida Warbaahinta gudaha ee Dalka Koonfur Afrika ay ka soo xigteen Booliska, waxaa dalkaasi lagu dilay dad ka badan 10 Qof oo Soomaali ah, saacadihii ugu dambeeyay.

Dadkan oo siyaabo kala duwan loo dilay ayaa waxa ay dilalkooda ka dhaceen Magaalooyinka u dhow Baadiyaha, halkaasi oo ay Ganacsiyo kala duwan ku leeyihiin Soomaali fara badan oo dalka ka tagay.

Booliska Dalka Koonfur Afrika oo weli baaritaano ku haya dilalkan ayaa waxa ay si hordhac ahaan u sheegeen in dilalkaasi ay fuliyeen kooxo burcad ah, kuwaasi oo Habeen iyo Maalin dhac iyo boob u geysta Hantida Ganacsatada Soomaalida ah.

Waxa ay sheegeen Booliska in ay wadaan weli baaritaano lagu raadinayo Burcadan, sidoo kalena ay hayaan xogo ku saabsan ragga dilalkan geysta halka ay ku nool yihiin oo ay ku dhuumaaleystaan.

Soomaalida ku Ganacsata Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay mar walba la kulmaan dilal toos ah iyo hanjabaadyo, waxaana inta badan dilalka halkaasi ka dhaca geysta kooxo burcad Afrikan ah, oo si arxan daro u dila Soomaalida.