TOP NEWS:- Baarlamaanka Hirshabeelle oo Kulankoodii ugu horeeyay yeeshay Labo Bilood ka dib

0

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta yeeshay kulankiisii 13-aad ee kalfadhigiisa 1-aad iyadoo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Kulanka maanta oo ahaa kii ugu horeeyay ee muddo Labo bilood ah uu yeesho Baarlamaanka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle waxa uu sheegay in kulankii maanta uu ahaa mid si rasmi ah uu u furay ayna xildhibaanada Baarlamaanka ugaga doodii doonaan kulamada xiga qodobada horyaal baarlamaanka.

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhex jira Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay dhammaantood isku mowqif yihiin ayna diyaar u yihiin in waajibaadkooda shaqo gutaan,”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa markale baaq u direy beesha caalamka inay gargaar u fidiyaan shacabka Hirshabeelle ee abaaruhu ay saameeyeen.

“Waxaan markale ka codsanayaa dhammaan Hay’adaha samafalka inay gargaar u fidiyaan shacabka ay abaaruhu saameyeen ee  ku nool Hirshabeelle,waxaan sidoo kale aan ugu baaqayaa beelaha khilaafku ka dhex jiro ee degmada Cadale inay khilaafkooda wadahadal ku xaliyaan.”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh CIsmaan Barre.

Kulanka Baarlamaanka Hirshabeelle uu yeeshay ayaa ku soo beegmay iyadoo dhowaan ay soo ifbaxayeen khilaaf soo kala dhex galay xubnaha baarlamaanka kadib markii ay xildhibaano ay ka soo horjeesteen qaabka loo dhisay golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle.

Hase yeeshee dadaalo uu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed oo labadii maalmood ee la soo dhaafay wada hadalo kala gaar gaar ah la sameynayay xildhibaanada ayaa ku guuleystey inuu xaliyo khilaafkii dhexyiilay. Waxana uu ka horcadeeyay xildhibaanada Baarlamaanka in khilaafkaas meel la iska dhigay loona soo jeesto howlaha horyaal Baarlamaanka Hirshabeelle.