TOP DHAGEYSO:- Puntland oo Maxkamadeyneysa Nabadoon Caan ah

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago oo hadda ku xiran Magaalada Boosaaso.

Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu kasoo muuqdo Maxkamad ku taalla Magaalada Boosaaso.

Xariga Nabaddoonka ayaa yimid ka markii uu booqasho ku tagay Xabsi ay ku xiran yihiin 7 dhalinyaro ah oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah , islamarkaana uu warbaahinta u sheegay in uu soo Arkay jirdil Ba’an oo loo geystay intii dhalinyaradaasi ay xabsiga ku jireen.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay si weyn uga Carooday hadalka Nabaddoonka , islamarkaana ay xabsiga dhigeen.

Xukunka lagu riday dhalinyaradaasi todobada ah ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan waxgaradka gobolka Bari oo sheegay in xukunka uusan aheyn mid Caddaalad ah.

Dhalinyarada ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso , waxaan Maxkamadda Ciidamada Puntland ay ku riday xukun dil ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO