DAAWO:- Askari fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo Farmaajo Fariin u diray

0

Askari katirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda AlShabaab ka gaysan rabtay degmada Dayniile.

Hase ahaatee gaariga ayaa qarxay waxaana dhaawac culus uu kasoo gaaray askarigii fashiliyay qaraxaas oo ah wiil dhalinyaro ah.

Wiilkan oo dhaawac daran uu kasoo gaaray qeybta sare ee wajiga gaar ahaan indhaha iyo xabadka ayaa fariin udiray madaxweynaha DF Soomaaliya iyadoo waliba ay wadaniyad ka muuqato.

Gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa sheegay in askarigan uu naftiisa uhuray shacabkiisa isla markaana uu mudan yahay in lagu kaalmeeyo inuu helo daryeel caafimaad lana damaand qaado nolosha qoyskiisa.

AlShabaab ayaa qaraxyo ka geysta gudaha dalka gaar ahaan Muqdisho, waxaana ay bartilmaameed ka dhigtaan xarumaha DF iyo goobo kale oo ay shacab ku sugan yihiin.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=-yfvITSKA-k