TOP DHAGEYSO:- Musharixii ugu Caansanaa Doorashada Madaxweynaha oo ka hadlay Xariga Wariye Cabdi Maalik

0

Xildhibaan Sakariye  Maxamed Xaaji Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si deg deg  ah ay u siidaayaan Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ku xiran Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in la xiro wariye coldoon oo ahaa nin si weyn uga shaqeeya arimaha Bulshada iyo sidoo kalena soo Bandhigi jiray dadka dhibaateysan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in coldoon uu mudnaa in lasiiyo Abaalmarin , laakiin uusan mudneyn in la xiro.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegtay in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

HALKAAN KA DHAGEYSO