Maamulka gobolka Hiiraan oo xabsiga Dhigay Wariye Wakiil ugu ahaa Idaacada VOA gobolka Hiiraan

0

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta xabsiga u taxaabay mid ka mid ah wakiilada idaacada Codka Maraykanka Xuseen Xasan Dhaqane oo xaruntiisu ahayd magaalada Beledweyne.

Xariga Weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaan wax faahfaahin ah aysan ka bixin maamulka gobolka Hiiraan hase yeeshee wararka qaar  ayaa sheegaya in loo xirey war saaka ka baxay idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Warkan ayaa ku saabsanaa khilaaf ka jira Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kaa soo ka bilowday magacaabida golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle.

Hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Hirshabeelle ama maamulka gobolka Hiiraan kaasoo la xiriira xariga weriye Xuseen Xasan Dhaqane.

Xariga loo geystay weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa ah kii ugu horeeyay ee weriye lagu xiro Beledweyne tan iyo markii  uu maamulka gobolka Hiiraan uu la wareegay guddoomiye Cali Jeyte waana xarigii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ay kula kacaan saxafiyiinta ka howlgala.