DHAGEYSO:- Xagee Marayaa Gidaarka Kenya ay ka dhisayso Xuduudka Soomaaliya ?..

0

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in Derbiga ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya dhismihiiso uu maraayo meel Gabo gabo ah Islamarkaana Bilooyinka  soo socda lasoo Afajari doono.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia sheegay in derbiga xadka ammaanka la dhamaystiri doono dhawaan , waxaana uu sheegay in hadda la dardar geliyay dhismaha Derbigaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka Derbigu uu yahay in aysan kasoo gudbin dagaalyahanada Al-Shabaab ee  inta badan Weerarada ku qaada dalka Kenya.

Fredrick Shisia  ayaa sidoo kale tilmaamay in dhismaha oo cabirkiiso dhan yahay  700-km, lagana bilaabi doono degmada Kiunga ,waxuuna tilmaamay in u jeedadu ay  tahay in la xiro dhammaan xuduudaha u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay ka hortagi doonaan in  dagaalyahanada Al-Shabaab  in ay  kasoo gudbaan xadka Soomaaliya.

Derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ayaa muran fara badan ka dhex -dhaliyey madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-