DAAWO:- Xildhibaanada HirShabeelle oo Kutaabka Quraanka Kariimka ku dhaartay ineysan ka laaban doonin Mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha HirShabeelle

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka Hiirshabeelle ayaa kulan ay magaalada Jowhar ku yeesheen isku dhaarsaday iney ridaan madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullahi Cosoble

Xildhibaanadan ayaa soo qaatay kitaabka quraanka Kariimka iyagoo ku dhaartay iney xilka ka tuuraan madaxweynaha maamulkaas Cosoble

“Waxaan ku dhaaraneynaa inaan xilka ka ridi doono Cosoble|ayay sheegeen xildhibaanadan oo ay caro badan ka muuqatay.

Tan iyo markii uu golaha wasiirada ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Hiirshabelle Cali Cabduulahi Cosoble ayaa waxaa soo baxayay in xilkiisa uu halis ku jiro.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-